Home Ciyaaraha Goolhayaha Cusub Ee Arsenal Oo Noqday Goolhayaha 3-aad Ee Ugu Qaalisan Taariikhda...

Goolhayaha Cusub Ee Arsenal Oo Noqday Goolhayaha 3-aad Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa. – Banaadirsom

Goolhayaha Cusub ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa isku qoray taariikhda suuqa kala iibsiga kadib markii uu ku biiray kooxda Arsenal kagana biiray kooxda Sheffield United.

Goolhaye Aaron Ramsdale ayaa si Rasmi ah ugu biiray Arsenal habeenimadii Jimcihii kadib markii uu dhamaystiray wax walba oo ku saabsanaa heshiiska uu ugu biirayay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa Goolhayaha ka bixisay lacag dhan 30 milyan oo Euro laakiin lacagta ayaa ku kici doonta lacag dhan 49 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunooyinka ah ee ku jira heshiiska.

Shabakada Goal ayaa sheegtay in qiimahaas Goolhaye Aaron Ramsdale ka dhigayso Goolhayaha 3-aad ugu qaalisan taariikhda kubada cagta iyada oo ay kaliya ka horeeyaan laba Goolhaye.

Hadaba sawirkan hoose Kaga Bogo Liiska Goolhayayaasha ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga:

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Image

Source link