Home Wararka Maanta Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo oo Maanta xiran & Xiisad culus oo halkaasi...

Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo oo Maanta xiran & Xiisad culus oo halkaasi ka jirta

Waxaa Maanta inta badan xiran Goobaha Ganacsiga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kadib amar xalay kasoo baxay laamaha Amniga Magaalada.

Waxaa si rasmi ah u Dhaqan galey awaamiir laamaha Amniga Magaalada ay xaley soo saareen, kaas oo ahaa in la xiro Maanta Goobaha Ganacsiga, sidoo kalena dadka ay kasoo qeyb galaan banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab

Wadooyinka waaweyn ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee banaanbaxa lagu dhiirigelinayo Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Degaannada Galmudug ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Source link