Home Wararka Maanta General iska qariyey kaamirada shir amni oo maanta ka dhacay B/weyne (SAWIRRO)

General iska qariyey kaamirada shir amni oo maanta ka dhacay B/weyne (SAWIRRO)

Waxaa maanta kulan uu ka dhacay magaalada beled weyne,waxaana kulanka shir gudoomiyey madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed).

Sawirro lasoo bandhigay ayaa laga arkayey General katirsanaa ciidamada AMISOM oo iska qarinaya Kaamirada,taas oo weli la ogaan sababta ka dambeysay,isagoo koofidiisa iskaga aadiyey kaamirada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHIRKAASI IYO WAXA UU KUSAABSANAA

Waxaan maanta shir gudoomiyay shirka amniga oo ka qabsoomay magaalada baladweyne oo ah xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Hir-shabelle, shirka waxaa qeyb ka ahaa taliyaha boliska Hirshabelle, taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad iyo taliyaha Amisom ee sector four.

Shirka waxaan diirada ku saarnay sidii loo xoojin lahaa dardar galinta howlaha amniga, Maadaama magaalada beledweyne ay ka mid xarumaha Hirshabelle doorashadeeda ay ka dici doonto, uga danbeyntii waxaan isla garanay in la xoojiyo guud ahaan amniga magaalada baladweyne.

Hormar iyo xasilooni.

Source link