Home Ciyaaraha Gareth Bale Oo Ka Baxay Abaarta Goolasha Ee Real Madrid, Imisa Kulan...

Gareth Bale Oo Ka Baxay Abaarta Goolasha Ee Real Madrid, Imisa Kulan Ayuuna Gool U Dhalin Los Blancos. – Banaadirsom

Gareth Bale ayaa ka baxay abaarta goolasha ee Real Madrid isaga oo goolka furitaanka u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay Los Blancos bar-baraha la gashay kooxda Levante horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Wales ayaa sidaas darteed ka baxay abaarya goolasha oo uu ku jiray muddo 578 maalintan ilaa markii uu goolkiisii ugu dambeeyay u dhaliyay kulankii Unionistas ee ka tirsanaa Cpa del Rey-ga bishii January 2020.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaliyay 3 gool xilli ciyaareedkii 2019/2022 kaas oo ahaa midkii uu ugu goolasha yaraa intii uu joogay kooxda Real Madrid xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga ayaa kaliya ciyaaray 6 kulan tan ilaa kulankii Unionistas  maadama uu inta badan amaah ku qaatay Tottenham xilli ciyaareedkii hore.

Xaqiiqada ayaa ah in abaartiisa goolashu kaliya sii socotay 6 kulan oo kaliya ka hor inta uuna xalay ka bixin goolasha kulankii xalay.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link