Home Ciyaaraha Gareth Bale Oo Dhibaato Ku Soo Kordhinayo Real Madrid. – banaadirsom

Gareth Bale Oo Dhibaato Ku Soo Kordhinayo Real Madrid. – banaadirsom

Ku laabasahda Gareth Bale ee Real Madrid ayaa dhibaato ku keeni doonta banaadirsom Real Madrid iyada oo ku qasbanaan doonta in ay midkood kala dooratay xiddigaha Rodrygo, Vinicius & Eder Militao sabab la xidhiidha xeer la badalay oo ku saabsan xiddigaha ka baxsan yurub.

Xidhiidhka Spain ayaa sheegaya in ay kaliya kooxdu diwaan gashato 3 xiddig oo ka baxsan qaarada yurub marka la eego in UK ay ka baxday yurub intooda kale Real Madrid ayaa cadaadis dareemaysa sabab la xidhiidha Gareth Bale.

UK ayaa si Rasmi ah uga baxday yurub bishii January ee sanadkii hore wakhtiga loo qabtay ee ah in ay kooxuhu ku aqbalaan shardiga kaas oo dhici doona 31 bisha December ee soo socota.

Bale ayaa ku laabanaya Real Madrid kadib markii uu dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula joogay Tottenham.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku qasbanaan doonto in ay kala doorato xiddigaha Rodrygo, Vinicius & Eder Militao kuwaas oo aan ka tirsanayn qaarada yurub iyo Gareth oo ka tirsan Wales oo ka tirsan UK.

Source link