Home Ciyaaraha Gabriel Jesus Oo Cadeeyay Sababta Ayna Man City Ugu Baahnayn Saxiixa Harry...

Gabriel Jesus Oo Cadeeyay Sababta Ayna Man City Ugu Baahnayn Saxiixa Harry Kane – Banaadirsom

Hadii ay jirto cid u baahan in ay wax muujiso kulankii Norwich City, waxa uu ahaa xiddiga Gabriel Jesus iyada oo uu xiddiga reer Brazil soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay Man City ku badisay 5/0.

Xiddiga ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay laakiin Jesus ayaa ka ciyaarayay garabka midig ee weerarka iyada oo xiddiga Ferran Torres ka ciyaaraay weerarka beenta ah.

Kaliya 7 daqiiqo ayay ku qaadatay in uu saamayn ku yeesho ciyaarta isaga oo goolka hortiisa soo dhigay kubad karoos ah taas oo keentay in ay ku dhacdo goolhayaah Norwich City sidaasna gool ku noqoto.

Wax yar kadib Jesus ayaa goolka soo hor dhigay kubad kale waxana gool u balalay saxiixa cusub ee Jack Grealish ka hor inta uuna mar kale caawin goolkii uu dhaliyay Raheem Sterling qaybtii dambe.

Qaab ciyaareedkaas ayuu Jesus ku muujiyay sababta ayna kooxda Man City ugu baahnayn in ay baanka u jabiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link