DEG DEG:Gaari Qarax looga shakisan yahay oo yaala agagaarka KM4

Muqdisho (Banaadirsom)-Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari looga shakisan yahay qarax uu yaalo agagaarka Hotel Afrik.

Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa la dhigay albaabka Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xeray wadada aada garoonka diyaaradaha, waxaana dad weynaha loo diiday inay halkaasi adeegsadaan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo bilowga bisha Ramadaan, waxaana waddooyin badan la dhigay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaanan la ogeyn inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, balseĀ  laamaha amaanka oo ka shakiyay muddada uu meesha Yaalo ayaa ku amray dadweynaha inay ka fogaadaan.