Home Ciyaaraha Fursadaha Saxiixa Man City Ee Robert Lewandowski Oo La Ogaaday. – banaadirsom

Fursadaha Saxiixa Man City Ee Robert Lewandowski Oo La Ogaaday. – banaadirsom

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan fursad u heysan inay la soo wareegto weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski xagaagaan.

Heshiiska 32 jirkaan ee Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23, waxaana uu hore u diiday inuu u wareego horyaal kale.

Man City ayaa la filayaa inay mudnaanta siiso soo xerogalinta Harry Kane xagaagan, laakiin haddii ay ku adkaato saxiixiisu waxa loo malaynayaa in ay diiradooda u jeedinayaan Lewandowski.

Si kastaba ha noqotee, wargayska ild ayaa sheegaya in aysan jirin ‘fursad Lewandowski uu kaga tagoyo Bayern Munich inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay qorshaha Bayern Munich ee xilli ciyaareedka dambe taas oo meesha ka saaraysa fursadaha Man City ee helitaanka saxiixa xiddiga.

Source link