Home Ciyaaraha Fursadaha Real Madrid Ee Saxiixa Kylian Mbappe Suuqa Xagaagan Oo La Qiimeeyay....

Fursadaha Real Madrid Ee Saxiixa Kylian Mbappe Suuqa Xagaagan Oo La Qiimeeyay. – Banaadirsom

Xilli ay sii socdaan wararka ku saabsan Mustaqbalka xiddiga Kylian Mbappe laakiin ku biiristiisa Real Madrid ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn sida ay sheegayaan wararku.

Mbappe ayaa ka qayb qaatay kulankii ay kooxda PS 4/2 ku garaacday Kooxda Brest kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Wargayska Cadena COPE ayaa sheegay in u dhaqaaqista Real Madrid ee Mbappe ayna suurtagal ahayn xagaagan sabab la xidhiidha lacagta gunada ah ee uu dalbanayo wakiilka xiddiga ee Mino Raiola.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mbappe ka tagi doono PSG kaliya marka amiirka qatar uu ka daalo xiddiga waliba ka quusto xiddiga reer France.

Mbappe ayaa ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG xilli uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link