fulintii Go’aankii Adkaa ee ka soo baxay DF oo laga dareemayo Muqdisho

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay go’aan labo todobaad lagu xirayo goobaha Waxbarashada dalka ayaa waxaa durbaa amarkaas u hoggaansamay qaar ka mid jaamacadaha ku yaalo Muqdisho oo ay ugu horeyso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku wargeliyay dhamaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed In 2-da Todobaad ee soo socota ay Fasax tahay Jaamacadda.

“Laga bilaabo 2-da March 2021-ka ilaa 17-ka March 2021-ka, iyadoo la fulinayo amarkii kasoo baxay Xukuumadda Federalka iyadoo la tixgalinayo sidii looga hortagi lahaa Faafidda Cudurka Halista ah ee Covid19,” warka ka soo baxay Maamulka Jaamacadda.

Sidoo kale, Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa joojisay fasalada iyo howlaha kale ee waxbarasho ee Jaamacadda muddo labo asnuuc ah laga bilaabo 3/3/2021.

Jaamacadda ayaa ku dadaaleysa in howlaha waxbarashada ay ku baxdo Online.

Xaaladaha COVID-19 ee dalka ka jira awgeed dowladdu waxa aysoo saartay go’aan ah in GOOBAHA WAXBARASHADA laxiro muddo labo toddobaad ah oo ka billaabaneysa 03/03/2021 illaa laga gaarayo 17/03/2021.

Source link