Home Arimaha Bulshada Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska...

Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.


Faahfaahinta yar -yar waxay yeelan kartaa saamayn weyn, waxa uu qofku ka samaysanyahay Faah-faahino la isku daray sidaas darteed waa in aanad dhayalsan faahfaahinta yar.

Dabcan gabadhu waxa ay u fiirsanaysaa wax walba, hadii ay tahay dharka aad xidhantahay, luuqada jidhkaaga, tilmaamahaaga, sida aad u hadasho, u socoto, u qoslayso, waxyaabaha aad sheegto, sidoo kale waxa ay u fiirsanaysaa kaftankaaga halka ay sidoo kale sheegi karto in aad tahay qof fiican dhawrka maalin ee ugu horeeya.

In kasta oo ay gabadhu dareemayso wax kasta oo yar marka ay ku eegto hadana waxa jira 3 arin oo ay si gaar ah ugu fiirsadaan marka ugu horaysa ee aad kulantaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3-da ee gaarka ah ee ay gabadhu u fiirsato

1.Nadaafada Cidiyaha:

Hadii aad leedahay cidiyo dhaadheer, isla markiiba gabadhu way u fiirsanaysaa, waxa laga yaabaa in ayna si cad u muujin waliba iska dhigto mid aan dan ka lahayn laakiin ma jirto gabadh jecel Nin leh Cidiyo dhaadheer waliba Aan nadiif ahayn sidii ilmo yar oo maalinta oo dhan ciid ku ciyaarayay.

Sidoo kale inta badan dumarka ayaa la baxa cidiyaha badan sidaas darteed gabadhu kama hesho Ninka sida dumarka cidiyaha dhaadheer la baxa sidaas darteed iska ilaali arintaas.

2.Urta Jidhka:

Haa, waxa laga yaabaa in ayna arintan noqon mid iska markiiba loo fiirsan karo laakiin ugu dambayn Urta jidhka ayaa soo baxaysa waxana ay gabadhu dareemi kartaa Urtaas Sidaas darteed waxa fiican in aad ku dadaashid nadaafada jidhkaaga.

Sidoo kale waxa fiican in aad muhiimada saartid Nadaafada dharka aad xidhanaysid sidoo kale waxa fiican in aad xidhatid dhaf nadiif ah oo aan lahayn Ur badan.

3.Jidhka Dhisan

Waxa xaqiiqo ah in ay gabadhu u fiirsanayso dhismaha jidhkaaga iyada oo eegaysa sida aad u socotid, sida aad u taagantahay iyo sida aad u fadhidid, qaab jidhmeedkaagu waxa uu gabadha u sheegayaa waxyaabo badan gaar ahaan in ay ka ogaan karto in aad tahay Nin caajis ah ama in aad tahay Nin jimicsi sameeya waliba leh awood shaqsiyada sidoo kale in aanad ahayn Nin calooshu dhawr mitir ka horayso ama in aad tahay Nin tuur weyn leh.

Source link