Home Ciyaaraha FA-ga Ingiriiska Oo Ka Farxiyay Sedexdii Ciyaartooy Ee Qasaariyay Rigoorada Kulankii Italy...

FA-ga Ingiriiska Oo Ka Farxiyay Sedexdii Ciyaartooy Ee Qasaariyay Rigoorada Kulankii Italy Ee La Cunsuriyeyay. – banaadirsom

Ururka kubadda  Ingiriiska ayaa fursad u siineysa Saka , Rashford iyo Sancho doorasho ah in dacwad lagu soo oogo ciwaanadii lagu cunsuriyeeyay ka dib Finalkii Euro 2020

Italy ayaa axaddii Ingiriiska rigooro kaga qaaday koobkaas ka dib marki sedexdaas laacib ay qasaariyeen laadadkii rigoorada ee ay tuurteen.

Ka dib waxa ay sedexdaas laacib la kulmeen weerar cusnurinimo  ah oo dhanka Internet-ka looga so qaaday halka waliba dil loogu goodiyay

Daily Mail ayaa sheegeysa  in FA-ga damacsan yihiin in ay baacsadaan dadkii faallkaas sameeyay iyadoo la tixraacayo akoonadda ay Internet-ka ku leeyihiin ee ay cunsuriyadda ku sameeyeen.

FA-ga waxa ay sheegeen in si gaar ah ay ugala hadlayaan sedexda laacib haddii ay doonayaan in dadkii cunsuriyeeyay la dabagalo si ciqaab loo marsiiyo iyo in kale

FA-ga waxa ay tilmaameen in ay qaadayaan talaabo dadkaas cadaaladda lagu hor keenayo haddii arintaas ay dalbadaan sedexdaas laacib

Ururka kubadda cagta ingiriiska waxa ay xuseen in ay xariir la sameeyeen shirkadihii laga weeraray laacibintaas si dabagal loogu sameeyo ciwaanadooda loona soo helo

Waxa ayna intaas ku dareen in marka hore ay oganaayaan in akoonadaas laga leeyahay gudaha Ingiriiska ama in ay yihiin banaanka, waxaana xusid mudan in 8 daqiiqo ka dib  in comments-kii lagu weeraray sedexaas laacib laga saaray hawada

 

Source link