Home Ciyaaraha Eto’o – Ibrahimovic, Alexis Sanchez – Mkhitaryan & Saxiixyadii Ugu Waaweynaa Ee...

Eto’o – Ibrahimovic, Alexis Sanchez – Mkhitaryan & Saxiixyadii Ugu Waaweynaa Ee La Is Dhaafsaday Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga. – banaadirsom

Xiddigaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku dhow inay heshiis Ka gaaraan is dhaafsiga xiddigaha Antoine Griezmann & Saul Niguez kuwaas oo is dhaafsanayaa labada xiddig kaas oo ah heshiis indhaha qabanaya xagaagan.

Wakhtigii hore waxa jira heshiisyo la isku dhaafsaday xiddigo kuwaas oo ay is dhaafsadeen kooxaha waaweyn ee reer yurub taariikhda suuqa kala iibsiga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyadii ugu waaweynaa ee la is dhaafsaday sanadihii ugu dambeeyay.

Eto’o – Ibrahimovic (2009)

Kadib markii uu Barcelona kula guulaystay 3 koob, Barcelona ayaa Inter Milan siisay 45 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Samuel Eto’o iyaga oo ku dhaafsaday xiddiga Zlatan Ibrahimovic, Eto’ayaa Inter kula guulaystay 3 koob oo kale halka uu Zlatan Ibrahimovic ku dhibaatooday banaadirsom Barcelona.

Luis Garcia – Torres (2007):

Liverpool ayaa 36 milyan kula saxiixatay Fernando Torres oo jooay Atletico Madrid iyaga oo ku badashay Luis Garcia kaas oo lagu qiimaynayay 4 milyan oo euro labada xiddig ayaana isku badalay labada kooxood.

Baptista – Reyes (2006)

Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga 2006/2007 Real Madrid ayaa Arsenal siisay xiddiga Julio Baptista iyaga oo ku badashay xiddiga Jose Antonio Reyes kaas oo door ka ciyaaray ku guulaysiga Real Madrid ee Horyaalka La Liga.

Simeone – Vieri (1999):

Kooxaha Inter Milan iyo Lazio ayaa is dhaafsaday xiddigaha Christian Vieri iyo Diego Simeone sanadkii 19992 iyada oo labada xiddig lagu qiimayanay lacag dhan 40 milyan oo euro.

Quaresma – Deco (2004):

Sanadkii 2004, Barcelona ayaa bixisay 15 milyan oo euro si ay Deco ugala soo wareegto Porto, iyadoo Ricardo Quaresma uu ka qayb ahaa heshiiska isaga oo ku biiray banaadirsom reer Portugal.

Gallas – Cole (2006):

banaadirsom chelsea iyo Arsenal ayaa sanadkii 2006 si lama filaan ah isku dhaafsaday xiddigaha William Gallas iyo Ashley Cole iyada oo ay Gunners bixisay 7 milyan oo dheeraad ah.

Alexis Sanchez – Mkhitaryan (2018)

Manchester United ayaa u dirtay Henrikh Mkhitaryan banaadirsom Arsenal, iyadoo Alexis Sanchez uu ku biiray Red Devils sanadii 2018, laakiin midkoodna ma soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga rajaynayay.

David Luiz – Matic (2011)

Intii lagu jiray suuqii xagaaga ee 2011, Chelsea ayaa la soo saxiixatay daafac dhexe oo reer Brazil David Luiz iyadoo ku bedeshay 20 milyan oo euro iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic.

Arthur – Pjanic (2020)

banaadirsom Barcelona ayaa caan ku ah heshiisyada is dhaafsiga waxana ay xagaagii hore banaadirsom Juventus la samaysay heshiis is dhaafsi ah iyaga oo siiyay xiddiga Arthur Melo kana helay xiddiga Miralem Pjanic iyada oo Juventus bixisay 12 milyan oo dheeraad ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Source link