Home Ciyaaraha Erling Haaland Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea, Muxuu Ka Yidhi....

Erling Haaland Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea, Muxuu Ka Yidhi. – banaadirsom

Xiddiga weerarka uga ciyaara banaadirsom Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya banaadirsom chelsea iyo qiimaha waalida ah ee ay Dortmund dul dhigtay madaxiisa.

Xiddiga Erling Haaland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa banaadirsom chelsea kuwaas oo doonaya saxiixa weeraryahan cusub si ay ugu xoojiyaan wararka banaadirsom xili ciyaareedka cusub.

Xiddiga Erling Haaland ayaa soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah chelsea ayaana la rumaysanyahay in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga reer Norway inta lagu jiro suuqa xagaaan.

Haaland oo la hadlaya SportBild ayaa yidhi”Ugu horayn waxa aan heshiis 3 sano ah kula jiraa Dortmund, waanan ku raaxaysanayaa wakhtigayga halkan”.

“Wixii shalay ka horeeyay lama hadlin wakiilayga muddo bil ah, waxba kama ogi wararka ku saabsan mustaqbalkayga, laakiin hadii aan ka hadlo lacagta 175-ka milyan ah waa lacag aad u badan in laga bixiyo hal xiddig”.

“Waxa aan rajaynayaa in ay kaliya yihiin warar xan ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

Source link