Home Ciyaaraha Erling Haaland Oo Heegan Buuxa Galiyay Kooxaha premier League, Maxaa Cusub? –...

Erling Haaland Oo Heegan Buuxa Galiyay Kooxaha premier League, Maxaa Cusub? – Banaadirsom

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxdiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa sidoo kale lau heli karaa lacag dhan 64 milyan oo euro taas oo ah lacag aad u yar marka loo eego tayada xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheeaya in ay arintaas keeni karto dadaal dhanka suuqa ah oo dhexmari doona kooxaha waaweyn ee premier League ee ay ka midka yihiin Man City, Man united iyo chelsea.

Xiddiga reer Norway ee Erling Haaland oo 21 jir ah ayaa dhaliyay 62 gool 63 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan intii uu joogay kooxda Borussia Dortmund.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Chelsea, Man United iyo Man City suuqa xagaagan laakiin kooxda Borussia Dortmund ayaa diiday in ay iska iibiso xiddiga kadib markii ay waday xiddiga Jadon Sancho.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link