Home Ciyaaraha England Vs Italy? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona...

England Vs Italy? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Euro 2020. – banaadirsom

Waxa si weyn maanta loo sugayaa final-ka tartanka Euro 2020 oo ay isaga hor iman doonaan xulalka Italy iyo England kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Labada xul ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga koobka iyo waliba in ay muujiyaan awoodooda ah in ay yihiin xulalka ugu fiican qaarada yurub sanadkan.

Ka hor kulanka caawa taageerayaasha kubada cagta ayaa fikirkooda ka dhiibtay xulka ku guulaysan doona tartanka Euro 2020 sanadkan kadib codayn ay sameeyeen.

Bogga Euro 2020 ee Twitter-ka ayaa taageerayaasha waydiiyay cida ay aaminsanyihiin ay caawa ku guulaysan doonaan koobka euro 2020 iyaga oo soo dhigay labada calan ee labada dal.

Codaynta ayay ka qayb qaateen taageerayaal dhan 28,236 kuwaas oo fikirkooda ka dhiibtay xulka caawa kor u qaadi doona koobka euro 2020.

Xulka Italy ayaa helay cod dhan 61.9% kuwaas oo aaminsan in uu xulka Italy ku guulaysan doono koobka sanadkan halka uu xulka England helay cod dhan 38.1%.

Adigu ku darso fikirkaaga xulka ku guulaysan doona koobka caawa?

Source link