Home Ciyaaraha England Mise Italy? Gianluigi Buffon Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka...

England Mise Italy? Gianluigi Buffon Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka Euro 2020. – banaadirsom

Halyeeyga reer Talyaani Gianluigi Buffon ayaa xulka qarankiisa u saadaaliyay in ay garaacaan xulka England kuna guulaystaan tartanka Euro 2020 sanadkan.

England ayaa raadineysa inay qaado koobkeedii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii ay qaadeen Koobkii Adduunka ee 1966, laakiin waxay wajahayaan Xul aan laga badinin 33 kulan.

Saddexda Libaax ayaa soo dhaafay xulalka Germany, Ukraine iyo Denmark halka uu xulka Italy soo dhaafay xulalka Austria, Belgium iyo Spain.

Xulka England ayaa kaliya laga dhaliyay hal gool tan ilaa bilowgii tartanka Euro 2020 laakiin Buffon ayaa aaminsan in uu xulka Italy ku guulaysan doono koobka.

Buffon ayaa u sheegay wargayska Mail” Kulankaan waa kulan aad ugu adag Italy, England waxa ay haystaan xiddigo badan oo fiican laakiin anigu kama wal-walayo sababta oo ah cadaadisku waxa uu saaranyahay xulka England oo ku ciyaaraya garoonkooda”.

“Iyaga ayaa haysta wax ay luminayaan oo ka badan waxa aan luminayno sababta oo ah waxa ay ku ciyaarayaan garoonkooda”.

“Waxa muhiim ah in aan dhalino goolka ugu horeeya ee kulanka wax badan oo dhici doona ayaa ku xidhnaan doona”.

“Waxa aan aaminsanahay in uu xulka Italy badin doono laakiin ma noqon doono mid fudud sabab la xidhiidha daafaca England waa kuwo adag”ayuu sii raaciyay”.

“Waa kulan final ah waxana jiri doonta naxdin badan ka hor kulanka, laakiin xulka daganaan muujiya ayaa ku guulaysan doona koobka”.

Source link