Home Wararka Maanta Dowladda Federalka oo ka hadashay iney shaqada ka joojisay diyaarado laga leeyahay...

Dowladda Federalka oo ka hadashay iney shaqada ka joojisay diyaarado laga leeyahay imaaradka Carabta





Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa beenisay warar la faafiyay oo ku saabsan in ay maamnuucday duulimaadyo caalami ah oo taga magaalada Haregysa ee mamaulka Somaliland.

Wasaradda duulista hawada xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegtay  in aysan jrin amar ay bixisay Wasaaradda oo lagu joojiyay duulimaadyada shirakadaha diyaaradaha FLY Dubia iyo Air Arabia

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa digniin u dirtay dad ay sheegtay in ay ka faafiyeen warar been abuur ah.

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan”

 




Source link