Home Wararka Maanta Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo bilaabatay iyo isbadal la sameeyay

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo bilaabatay iyo isbadal la sameeyay

Waxaa Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb  ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee Maamulka Galmudug ka imaanaya.

Goobta doorashada ayaa waxaa laga akhriyay habraaca doorashada, waxaana la sheegay in codeynta doorashada Aqalka sare ay tahay qarsoodi, kursi kastana ay ku tartamayaan laba xubnood, isla markaana hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonta gacan tag.

Shalay ayaa Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka sare habraac ay soo saareen waxaa kujiray in hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonto qarsoodi taas oo walaac laga muujiyay.

Waxaa jira kuwa malxiisyaal ah oo isbadalay markii khudbadda lasiiyay iyagoo dalbaday in codka lasiiyo.

Buuq ayaa ka dhexjira howlka doorashada Galmudug iyadoo laga cabsi qabo in fowdo iyo buuq ay isku badasho.

 

Source link