Home Wararka Maanta Doorashada Soomaaliya oo magaalada toos looga dareemay ay noqotay Kismaayo

Doorashada Soomaaliya oo magaalada toos looga dareemay ay noqotay Kismaayo

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland ayaa maanta waxay kulan la qaateen guddiga Golaha Wakiilada Jubbaland u qaabilsan doorashooyinka Aqalka Sare.

Xubnaha kulmay waxay sheegeen in ay arimo badan iskula soo qaadeen shirkooda,islamarkaana laga arinsaday doorashada in la dedajiyo oo xilligeeda lagu qabto.

Kulanka Labada guddi ayaa isku raacay sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah kana fog eex iyo nin jecleysi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa  shalay magacaabay guddiga Golaha Wakiilada Jubbaland u qaabilsan doorashooyinka Aqalka Sare kuwaas oo la filayo in ay deg deg ushaqo galaan.

Jubbaalnd ayaa ah maamul gobolleedka keliya ee ilaa hadda magacaabay guddiga doroashada Aqalka Sare qaban doona,xilli Afarta Dawlad gobolleed ee kala ah K/galbeed,HirShabelle,Galmudug iyo Puntland aysan weli iyagu magacaabin.

 

Source link