Home Wararka Maanta Diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare BFS ee DG Jubbaland.

Diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare BFS ee DG Jubbaland.





Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarow xooggan oo la xiriira qabsoomidda Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee BFS gaar ahaan 8-da Kursi ee kusoo aaday Dowlad-Goboleedkaas.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee DG Jubbaland iyo xubnaha wakiilka ka ah Baarlamaanka Dowlad-Goboleedkaas ee dooranaya Senatarada ayaa iska xog-wareystay halka ay wax-marsiinayaan maadaama waqtiga uu soo dhawaaday.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Badweytims  u xaqiijiyay in Guddiga Doorashooyinka DG Jubbaland & Guddiga ka socda Baarlamaanka Maamulkaas ay isla meel dhigeen habraaca iyo shuruudaha musharixiinta ugu dambeysa ee u gudbaya Doorashada.

Guddiga Doorashooyinka DG Jubbaland ayaa ku adkeystay in 25-ka July 2021 uu qabanayo Doorashada Aqalka Sare BFS si uu u fuliyo heshiisyadii Doorashooyinka ay gaareen Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa la xoojiyay, Saraakiisha amniga qaabilsan ee Booliiska, Nabadsugidda iyo AMISOM waxa ay kulan gaar ah ay ku yeesheen xarunta Gobolka Jubada Hoose ku go’aamiyeen xoojinta howlgallada iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada dadka & Gaadiidka.

 




Source link