Home Wararka Maanta Dib udhac ku yimid Jadwalkii doorashada & Khilaaf cusub oo jira

Dib udhac ku yimid Jadwalkii doorashada & Khilaaf cusub oo jira





Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta la filayaa in la bilaabo soo xulista & diyaarinta ergooyinka Doorashada Soomaaliya.

29-kii bishii june oo labo todobaad laga joogo ayaa waxa lasoo saaray jadwalka doorashada & sida loo qabanayo Doorashada Dalka.

15 bisha July oo maanta ku asteysan waxa loo ballansanaa in ay bilaabato soo xulitaanka & diyaarada ergooyinka doorashada,sida uu hore usheegay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Muxuyadiin Cabdullaahi Cali oo ah siyaasi ka faalooda Arimaha Soomaaliya ayaa isagoo kusugan Nairobi waxa uu inooga waramay arinta dib udhaca & waxay ka dhigan tahay.

Waxaa jira Khilaaf cusub oo Gudoonka Baarlamaanada Dawlad Gobolleedyada ay ku rabaan in iyaga loo madax banaaneeyo cida ku tartameysa Doorashada Aqalka sare balse fara gelin lagu eedeeyey.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashada dadban Ee Soomaaliya uu kaga hadlayo arinta dib udhaca ku yimid soo xulista & diyaarinta Ergooyinka Doorashada Soomaaliya.

 




Source link