Home Wararka Maanta Dhuuso mareeb oo shir xasaasi ah ka dhacay ka hor doorashada Aqalka...

Dhuuso mareeb oo shir xasaasi ah ka dhacay ka hor doorashada Aqalka Sare

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen maanta Guddiga joogtada ee Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashada aqalka sare iyo sida loo diyaar garoobi karo.

Kulanka guddiga joogtada waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal waxaana ka qeyb galay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdulahi Xirsi Maxamed Iyo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe).

Kulanka ayaa waxaa looga dooday Diyaarinta Kalfadhiga 3aad ee Golaha Baarlamaanka Dowlada Galmudug Iyo Gudiga Doorashooyinka Aqalka Sare Ee Barlamaanka Dowlada Galmudug.

Magaalada Dhuuso mareeb oo shirkaasi ka dhacay waxaa kusugan Murashaxiin utaagan golaha Aqalka Sare Soomaaliya,oo ay ku jiraan Senetar Dhageey,Senetor Dhag dheer iyo Axmed Ducaale Xaaf oo isna aqalka sare sanadkaan utartamaya.

 

Source link