DHAGEYSO: Wasiir Khadiija Oo Kashiftay Awooda Mucaaradka Heystaan

Wasiirka Wasaarada Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xabadka ugaraacatay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sii ahaan doono Madaxweynaha Qaranka.

Xildhibaan Khadiija Diiriye oo kusugneyd Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Sharci ahaan inta Madaxweyne Farmaajo Shakhsigii Bedeli lahaa isaga xukunka sii heyn doono.

Waxay Wasiir Khadiija weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka Dawlada dhaliilsan sheegtayna in aan marnaba la aqbali Karin in la sameeyo wax Sharci daro ah.

Madaxweyne Farmaajo ayey sheegtay in Sharciga uu ku joogi doono sida iyada oo Xildhibaan ah Kursiga usii joogto iyo Gudoomiye Mursal oo kale.

Khadiija Diirye waa mid ka mid ah Xubnaha ugu saameynta badan Nabad iyo Nolol Ee Difaaca Hanaanka Dawlada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA