Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Taliye Xijaar Oo ka hadlay in murashaxiin loo diiday warqada dembi...

DHAGEYSO: Taliye Xijaar Oo ka hadlay in murashaxiin loo diiday warqada dembi la’aanta





Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ka jawaab celiyey eedeyn baraha bulshada lagu faafiyey oo aheyd inuu hor istaagay murashaxiin warqada dembi la’aanta ka doontay Xarunta CID-da Muqdisho.

General Xijaar ayaa sheegay in waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya in warqad loo diiday murashaxiin doonayey inay utartamaan Xildhibaanimada Baarlamaanka 11aad Ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa meesha ka saaray in weli aan la bilaabin murashaxiinta in la siiyo warqada dembi la’aanta isagoo sheegay in howshaas dhawaan la guda geli doono.

Hadalka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah Murashaxiin tegay Xarunta CID-da Booliska ay sheegeen in loo diiday warqada Dembi la’aanta ah si ay kuraasta baarlamaanka cusub ugu tartamaan.

 




Source link