Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Midowga murashaxiinta oo uyeeray Rooble & Sababta ka dambeysa

DHAGEYSO: Midowga murashaxiinta oo uyeeray Rooble & Sababta ka dambeysa

Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo shir albaabada uxirnaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayey kaga hadleen Xaalada Doorashada.

Kulanka waxaa shird gudoominayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo ay goob joog ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud ,Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo katirsan midowga Murashaxiinta.

Waxay sheegeen in walaac ay ka qabaan hanaanka doorashada uga socoto dalka islamarkaana ay kulan la qaadan doonaan R/wasaare Rooble iyadoo xubnaha Beesha caalamka iyo bulshada rayidka sidoo kale la kulmi doonaan Labada cisho ee soo socota.

Kulanka markii uu soo dhamaaday waxa saxaafada uga warbixiyey shirka iyo waxyaabaha kasoo baxay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kulanka ka qeyb galay.

Shirkaan ayaa war murtiyeedka laga soo saari doono 16 bisha oo isniinta ku beegan isha lagu wada hayaa iyagoo la sheegay in ay dhaliilsan yihiin in doorasho daah furneyn dalka laga qabtay kana digayaan in taas ay sii socoto.

 

Source link