Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Jubbaland Oo Kiis Culus Lugaha ugelisey Lataliyihii Farmaajo ay hor istaageen

DHAGEYSO: Jubbaland Oo Kiis Culus Lugaha ugelisey Lataliyihii Farmaajo ay hor istaageen





Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Sare Sadiiq Aadan Dhogor oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay sababta loo celiyey diyaaradii uu la socday Lataliyaha Arimaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahnaa Kismaayo.


Diyaarada oo ka duushay Muqdisho ayaa lagu waday in Kismaayo ka degto balse hawada ayaa laga soo celiyey.

Taliye Sadiiq dhogor waxa uu sheegay in Hub sharci daro ah uu doonayey Cabdi Cali Raage uu geliyo Magaalada Kismaayo sidaas awgeedna laga hortegay.

Jubbaland waxay sidoo kale sheegeen inay ogaadeen magac qof kale ahaa inuu ku socday Raage markii uu diyaarada soo raacayey.




Source link