Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Ismiidaamiyeyaal la diyaariyey South Africa & Cabsida Soomaalida

DHAGEYSO: Ismiidaamiyeyaal la diyaariyey South Africa & Cabsida Soomaalida

Inkastoo maanta xaalada ay yara deggan tahay Dalka Koonfur Africa ayaa hadana cabsi xoogan ay dadka soo wajahday kuwooda hantida ku leh Dalkaasi.

meelaha qaar ayaa waxa rabashadaha ay ku faafeen saacadihii lasoo dhaafay sida Gobolka Bumalanga iyo Gobolka kale Northern Cape.

Xisbiyada Mucaaradka Dawlada Koonfur africa kasoo horjeeda ayaa ku hanjabay inay ku biiri doonaan dadka banaanbaxa dhigaya hadii ciidamo meliteri la adeegsado.

Madaxweynaha Dalkaasi ayaa shalay ku hanjabay inay ciidan Meliteri ah tegi doonaan goobaha rabashaduhu ka socdaan,iyadoo ismiidaamin laga cabsi qabo in Mucaaradka ay diyaariyaan dad fuliya.

Dukaamo badan oo qaarkood soomaali lahaayeen ayaa la dhacay dalka Koonfur Africa waxaana weli wadnaha farta lagu hayaa in xaalada ay faraha kasii baxdo.

 

Source link