DHAGEYSO: Hanajaabadii Rooble Maanta Udiray Murashaxiinta Mucaaradka

Waa mid ka mid ah Hadaladii ugu saameynta badnaa Khudbad jeedintiisii Maanta Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ee Golaha Shacabka ka hor sheegay.

Waxa uu tibaaxay in Amniga dalka dhib badan laga soo maray sida loo soo gaarsiin lahaa Nabad gelyo kuwo doonaya in ay bur buriyaana aan laga ogolaan doonin.

“Nin Aan Kuu Furi doonin,yuusan Kuu Rarin,Cid laga aqbalayo ma jiri doonto inay Xasiloonida xumeyso iyo Eerayo kale ayaa ku jiray Hanjabaadiisa”.

Waxay Si Toos ah Fariinta ugu socotay Murashaxiinta Mucaaradka Ee Madaxweynaha Ku lahaa Wakhtigii Waa kaa dhamaaday,taas oo laga yaabo inay deg deg jawaab uga soo bixiyaan Goodintaasi.

Xilligaan in La gudbiyo Fariimo Xanaf leh iyadoo Marxalad Dalka ku jiro tahay mid Cabsi ah waxa dadka Siyaasada bartay ku sheegeen inaysan wanaagsaneyn oo dadka iyo Dalka loo turo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

  60240e3480e21