Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Go’aanka guddiga doorashada Jubbaland ay gaareen & waxa cusub

DHAGEYSO: Go’aanka guddiga doorashada Jubbaland ay gaareen & waxa cusub

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Dawlad Gobolleed Jubbaland SIET Siyaad Maxamed Xasan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Guddiga Doorashada Heer federaal kala hadleen sidii deg deg loogu bilaabi lahaa howsha doorashada.

Iyadoo labo cisho ka hor la filayey in doorashada la guda galo ayaa umuuqata mid dib udhac ku timid balse Kismaayo oo ay diyaar garoow badan ka jirto ayuu Gudoomiye Siyaad sheegay in dhinac walbo ilkaaniyaat-kii doorashada diyaar tahay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro oo la kulmay guddiga doorashada Jubbaland ayaa ka dalbaday in ay noqoto doorasho hufan oo la qabto.

Seddexda maalin ee soo socota ayaa la filayaa in doorashada Aqalka sare ka bilaabato gobollada dalka gaar ahaan Kismaayo oo magaalada ugu horeysa noqon doonta sida la qorsheeyey.

 

Source link