DHAGEYSO: Gaadiidka Qaraxyo sida oo ku jira Baladweyne & digniin laga soo saaray

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Meyris Isaaq Cabdulle ayaa sheegay in laamaha Ammaanka Magaalada Beledweyne ay wadaan howlgallo laga sameynayo dhamaan Xaafadaha Magaalada Beledweyne,kaas oo la xiriira dhanka Amniga.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha inay heleen xog ku saabsan in gawaari qaraxyo ah ku jiraan Gudaha Magaalada Beledweyne,hayeeshee Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha Amniga ay wadan howlo baaritaano ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyada amniga ay maamulka gobolka Hiiraan saaran tahay,balse waxyaabaha kasoo baxa howlgalkooda ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Meyris Isaaq Cabdulle ayaa waxaa uu ka hadlay banaanbax maanta ka dhici lahaa Magaalada Beledweyne oo ay joojiyeen,kaas oo la sheegay in dowaldda lagu taageerayay,waxaana uu sheegay in banaanbax aan maamulka ka warqabin aan Magaalada lagu qaban karin.