Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Doorashada Soomaaliya oo si toos ah ubilaabatay & Hardanka Socda

DHAGEYSO: Doorashada Soomaaliya oo si toos ah ubilaabatay & Hardanka Socda





Madaxweynaha Maamulka Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu maanta soo gudbiyey Afar kamid ah 8-kursi murashaxiinta utaagan golaha Aqalka Sare.

Waxa liiska murashaxiinta lasoo gudbiyey la sheegay in laga reebay senetaro mar kale doonayey inay difaacdaan xildhibaanimada aqalka sare.


Senetor Axmed Cabdi Xaashi iyo Senetor Mowliid Xuseen Gudaah ayaa waxa laga reebay inay tartamaan,iyadoo doorashada habraaceeda lasoo saaray.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland ee qabanaya Kuraasta Aqalka sare Xildhibaan Xuseen Xersi Axmed ayaa ka warbixiyey jadwalka doorashada iyo siday wax uqaban doonaan.

Gudoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashada Heer Federaal Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa bogaadiyey sida ay Jubbaland u noqotay Maamul gobolleedkii ugu horeeyey ee doorashada aqalka sare qabanaya ay noqdaan,sidaasna maanta doorashada ubilaabatay.




Source link