Home Wararka Maanta DHAGEYSO: Cali Cosoble oo si weyn ubahdilay Xasan Sheekh,Shariifka & Farmaajo

DHAGEYSO: Cali Cosoble oo si weyn ubahdilay Xasan Sheekh,Shariifka & Farmaajo





Siyaasiga Cali Cabdullaahi Cosoble oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasada & Xaalada kala guurka ee dalka uu ku jiro.

Madaxweynihii hore Ee HirShabelle Cali Cosoble ayaa sheegay in hanaan maaliyeed ku saleysan sidii loogu talo galay uusan dalka ka jirin seddexdii Dawlad Ee Iskaga dambeeyey.

Cali Cosoble ayaa sheegay in jaan goynta siyaasada iyo habka maaliyada uu yahay mid aan dariiqii saxda ahaa heysan sidaa awgeedna aan Dawlada Madaxweyne Farmaajo lagu dhaleeceyn Karin arintaas.


Cali Cosoble ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha la xiriira is qab qabsiga ka dhashay Hirshabelle oo Cali Guudlaawe Bishii November madaxweyne loogu doortay Sanadkii hore.

Waxa uu sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay isku dayeen xal ka gaarista arimaha ala xiriira daminta xiisadaasi hayeeshee uu amaanayo doorkii Yuusuf Daba geed ka qaatay in Xasilooni uu ka shaqeeyo iyo siyaasad ku dhisan hufnaan.




Source link