Dhacdo kale oo xanuuna Darawal Mooto Bajaajle Oo Naftiisa Ku Waayey Bixinta 5 Kun Shilin Soomaali Uu Diiday ….

Buulo mareer (Banaadirsom)-Wiil dhalinyaro ah ayaa waxa uu naftiisa ku waayey Bixinta Lacag Shillin Soomaali ah oo  gaareysay 5 Kun Keliya.

  Marxuumka ayaa waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Abuukar iyadoo Askari katirsan Ciidanka dawlada uu ku dilay Deegaanka Buula mareer Ee Gobolka Sh.Hoose.

Dilka ayaa la sheegay in habeenimadii xalay uu dhacay iyadoo gacan ku dhiiglaha uu baxsaday.

Dadka Ehelka la ahaa wiilka la dilay waxay codsadeen in Cadaalad la hor keeno gacan ku dhiiglaha islamarkaana hadda uu kusugan yahay Deegaanka Shalaanbood.

  Dilalka loo geysto dhalinyarada bajaajta ku shaqeysta ayaa sii kordhayey Sanadkaan taas oo gacan ku dhiiglayaasha aan xukun cadaaladeed la hor keenin.