Home Wararka Maanta Dhaawacyo culus oo loo soo wado magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Dhaawacyo culus oo loo soo wado magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaa maanta lagu wadaa in Muqdisho la soo gaarsiiyo qaar ka mid ah dhaawacyadii ciyaartoyda Banaadirsom JCCI-da oo qarax lagula eegtay gaari Bus ay saarnayeen, kaas oo ay kasoo gaartay waxyeelo daran.

Khasaaraha ka dhashay inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa la sheegay in ay dhimashada labo ciyaartooy ah iyo darawalkii waday gaariga, halka tiro 6 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagula tacaalayo isbitaal ku yaalo Kismaayo.

Waxaa la sheegay qaraxa ka hor in ciyaartooyda ay kusii jeedeen garoonka Waamo, kaas oo shalay lagu waday in lagu daah furo tartanka ciyaaraha kubadda cagta heerka kowaad, balse intii ay wadada ku soo jireen uu haleelay qaraxaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay ku booqday isbitaalka dhalinyaradii ku dhaawacmay, iyagoo sheegay in kuwa qaba dhaawacyada halista maanta loo soo qaadi doono gudaha magaalada Muqdisho.

Weerar kaan ayaa imaanaya, iyadoo Jubbaland ay ka bilaabatay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare taas oo todobaadkii aan soo dhaafnay ay kismaayo ku doorteen afar xubnood oo Senetorada baarlamaanka soomaaliya ah islamarkaana qabashada doorasho kale ay u harsan tahay dowlad goboleedka Jubbland.

 

Source link