Home Wararka Maanta Deni oo Iska Casilin Xilka Puntland ma isku sharaxi karaa Villa Soomaaliya?

Deni oo Iska Casilin Xilka Puntland ma isku sharaxi karaa Villa Soomaaliya?

Waayahaan waxaa taagneyd hadal heyn ka dhalatay in Siciid cabdullaahi Deni uu isku soo sharaxi doono Xilka Madaxweynaha Soomaaliya balse xogo hoose aan ogaanay ayaan idinla wadaageynaa.

Dad badan ayaa is weydiinaya sidee ugu suurta geli kartaa isagoo xilka Puntland haya isku sharaxi doonaa Deni una raadin doonaa Villa Soomaaliya inuu qabto.

Sharci yaqaanadiisa gaarka ah ayaa waxay sheegeen inay doonayaan sidii Allaha Unaxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed oo kale Deni sameeyo.

Sanadkii 2004-tii C/llaahi Yuusuf oo ahaa Madaxweynihii Puntland ayaa utartamay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waana uu guuleystay.

Tusaale hadii Yuusuf laga adkaan lahaa waxa uu sii wadan lahaa xilka Puntland,oo sharciga udegsan Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa taas ogolaanaya.

Wadadaas ayaa umuuqata Siciid Cabdullaahi Deni oo labo shimbir ayuu doonayaa in hal dhagax uu ku dilo,waana sababta uu dib ugu dhigayo murashaxnimadiisa.

Waxa uu qiimeyn ku sameyn doonaa Xildhibaanada soo baxaya kadibna isaga ayaa ku dhawaaqi doona inuu is sharaxo,islamarkaana taageero dhaqaale oo aan caadi aheyn ka helaya Dawlada Iskutaga Imaaraat-ka carabta.

Ma sahlana in Deni uu guuleysto balse waxaa jirta in Axmed Madoobe uu taageero ka heysto ayna Maamul gobolleedyada kale kudaba xirmi doonaan hadii lacag waali ah uu siiyo.

 

Source link