DEG DEG+XOG: Farmaajo oo la kulmay Cali Khaliif, Cali Ciise Cabdi & Siyaasiinta Dhulbahante.

Tan iyo markii uu ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya hogaamiyaha Khaatumo Proff. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka socday qorshe cusub oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Qorshahani oo inta badan diirada lagu saarayo dhismaha maamul cusub oo loo dhisayo beelaha ku abtirsada deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa looga gol leeyahay in dowladdu ay xoog ku muquuriso mucaaradada kaga imaanaysa dhinacyada Puntland iyo Somaliland oo haatan uusan wanaagsanayn xidhiidhka kala dhaxeeya dowladda.

Mr. Galaydh ayaa soo jeediyey in madaxweyne Farmaajo uu xooga saaro doorashada soo socota in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia u matali doona Beesha Dhulbahante in lagu doorto magaalada Muqdisho isla markaasna aan dib loogu soo dooran magaalada Garowe oo markii lagu soo dooran jiray si ay garab uga siiyaan doorashada dambe Madaxweyne Farmaajo.

Dr. Cali Ciise Cabdi oo isna kamid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Beesha Dhulbahante isla markaasna doorashadii ka dhacday Garowe bilowgii sanadkani kamid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka madaxweynaha ayaa isna go’aan raacsan Proff. Galaydh, waxaana ay madaxweyne Farmaajo kala hadleen dhismaha maamul cusub oo ay ku midoobaan Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante kaas oo culays ku noqon kara maamulada Puntland iyo Somaliland oo inta badan ku muransan gacan ku haynta deegaanadaasi.

Somaliland ayaa dadaal badan ku bixin doona kusii nagaashaha qaybo kamid ah goboladda Sool iyo Sanaag halka Puntland iyaduna ay guluf colaadeed ku wajihi doonto hadii Somaliland ay kusii adkaysato go’aankeeda hasa yeeshee labadoodaba waxaa walbahaar ku hayn doona dhismaha maamulkan cusub oo laga yaabo in xiisad cusub uu ka dhex abuuro labada dhinac.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo xubnaha xilalka ka haya dowladda federaalka Soomaaliya ee Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa haatan sii xoojinaya qorshahani maadaama dadaal badan ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha maamulkan cusub.

Madaxda dalka ayaa iyaguna dhankooda aqbalay hirgalinta qorshaha maamul loogu dhisayo Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli si uu uga yaraado cadaadiska uga imaanaya Puntland iyo Somaliland.
Weli ma cada goobta lagu dhigi doono caasimada maamulkan cusub iyo goorta la dhisi doono, hasa yeeshee Qurba joogta iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaasi ayaa u hanqal taagaya ku dhawaaqista maamulkan, waxaana socda shirar iyo kulamo gogol xaadh u ah maamulkaasi.
Hadaba maxay tahay faa’iidada ugu jira DFS dhismaha maamulkan?

Dhinacyada indha indheeya siyaasada dalka ayaa ka aaminsan maamulkani cusub mid halis ku noqonka Puntland iyo Somaliland, waxaana madaxdu ay wakhtigani fursad u arkaan in ay ka tanaasulaan cid walba oo mucaarad ku ah siyaasadooda.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Somaliland oo xurguf kala dhaxayso madaxda Soomaaliya ayaa iyaguna kusii yara adaygi doono kusii nagaashaha maamuladooda deegaanadaasi oo marar badan ay dagaalo ku dhex mareen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh ayaa isaguna laga aamisan yahay in uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha maamulkan cusub.

Inkastoo wax kalsooni ah uusan ka haysan Beesha Dhulbahante ayaa waxaa hadana kula tartami doona xilkaasi masuuliyiin badan.