DEG DEG: Xog kusaabsan Sii deynta Mukhtaar Roobow Oo la’ Ogaaday iyo warar shegaayo in…

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu kulan kula qaatay Muqdisho Xildhibaanada Aqalka sare iyo golaha Shacabka kasoo gala Deegaan ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxay kawada hadleen Hormarinta Deegaanka,Dagaalka Al Shabaab iyo wax uqabashada Dadka Deggan Baadiyaha oo la gaarsiiyo Adeegyada Biyaha,Waxbarashada iyo Agabka Beeraha loogu talo galay.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in loo istaago sii deynta Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo Labo sano ku dhawaad ku xiran Muqdisho.

Lafta gareen ayaa sheegay in Madaxweynaha Dalka uu kala hadlay Qadiyada Rooboow isagana ay utaallo go’aankiisa sii deynta balse ay iyagu dalbadeen in lasoo daayo.

Ehelada iyo Xildhibaanada badankood waxay sheegeen in xaalad adag uu wajahay dhinaca Caafimaadka Abu Mansuur oo Xabsi guri ku ah Muqdisho ayna dalbadeen in lasoo daayo.

Inkastoo Lafta gareen uu dib ugu laabtay Baydhabo hadana Ehelada Rooboow kama aysan quusan in lasoo daayo oo Xabsiga laga soo saaro.

Sanadkii 2018-kii Ayey Dawlada Soomaaliya kasoo xirtay Mukhtaar Rooboow Magaalada Baydhabo isagoo markaas isku diyaarinayey Ka qeyb galka Doorashada KGS hayeeshee Murashaxiii Dawlada wadatay ayaa guuleystay oo ah C/casiis Lafta gareen.

 5f3ed45502713 5f3ed45502713