DEG DEG” War hordhac ah oo Laga Helay Shir Albaabada U Xiran Yihiin Oo Muqdisho Uga Socda Farmaajo & Sheikh Shariif

Muqdisho (Banaadirsom)-Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu shir xasaasi ah oo Albaabada u xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya uga socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Lama oga waxyaabaha sida rasmiga ah looga wadahadlayo kulanka,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya iney ka wadahadlayaan xaalada siyaasadeed ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya gaara haan magaalada Muqdisho iyo xaaladaha heysto Dowladda Farmaajo oo cadaadis xooggan kala kulmeyso Mucaaradka ka horjeeda.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli Sheekh Shariif uu shalay weerar culus ku qaaday Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in uusan ka aamusi karin xaaladaha qaar ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo.