Home Wararka Maanta Deg Deg: Taliska Booliska oo war ka soo saaray Qarax ismiidaamin ah...

Deg Deg: Taliska Booliska oo war ka soo saaray Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho ayaa war ka soo saaray qarax goordhaw magaalada Muqdisho lagula eegtay kolanyo uuu la socday taliyaha booliiska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole.

:Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud.” Ayuu yiri Afhayeenka

Doodisho ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray in taliyaha gobalka uu nabad qabo qaraxana uu ka badbaaday.

“Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo.” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho.

Warbaahinta ayaa loo ogolaaday iney tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana jira gurmad ay sameynayaan gawaarida gurmadka deg dega

 

Source link