DEG DEG Sarkaal Caan ah oo lagu dilay Dagaal Maanta Ka dhacay Muqdisho +Khasaaraha

Dagaalkaan oo saacado ka socday Deegaanka Jasiira Ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaaya in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.

Ciidamada Booliska gaarka utababaran Haramacad iyo Maleeshiyaad Macawiisleey ah ayaana uu dhexmaray waxaana muddo dadka deegaanku ay sheegeen in cabsi soo food saartay.

Maleeshiyada Macawiisleyda ayaa Doon Khaat kasoo dejineysay Xeebta waardiye ka ahaa,xilli Ciidanka Haramacad ay isku dayeen inay Khaat-kaasi sharci darada dalka kusoo galay ay la wareegaan.

Ciidamada haramacad ayaa waxa ka geeriyooday sargaal dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Casiis Axmed Maalin Guur,bil ka hor ayaa loo dalacsiiyey Darajada Xiddigle.

Xaalada ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay,dhowr jeer ayey ku dagaalameen Ciidamada Haramacad iyo Maleeshiyaadka Macawiisleyda ah,Deegaanka Jasiira Ee duleedka Muqdisho.

  6000df3bea435