DEG DEG: Sacuudiga Oo si qarsoodi ah Shidaal oga Qodanayaa Gudaha Magalada….

Muqdisho (Banaadirsom)-Dawlada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay qorsheeneysaa inay Shidaal Qodis ka sameyso gudaha Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxau heshay Warqaad oo ay Sacuudiga ku rabto inay Shidaal Qodis ka sameyso Dhulka uu ku yaallo Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Masjidka ayaa badka dhulka uu ku fadhiyo waxaa hore u calaamadeystay Sacuudiga kadib markii ay ku aragtay in Shidaal ku jiro,iyadoo Sanado badan kadib ay markaan inay qodoto usoo tafa xeedaneyso.

Dawlada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Xogtaan cusub ee la helay xilli Xukuumada Doxa Ee Dalka Qatar ay ka digtay Sacuudiga oo bisan bisoonaya Shidaalka Muqdisho laga helay.

Dagaalka Carabta ka dhex jira ayaa waxa ugu weyn uu salka ku hayaa Shidaalka ku jira Soomaaliya oo mid walbo isaga isla rabo.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa waxaa uu ku yaallaa Kasoo horjeedka Xarunta Golaha Shacabka,taas oo laga yaabo hadii ay qotaan Sacuudiga in Saameyn badan ay reebto.

Waxa la sheegay in Saraakiil ka socda Waaxda Sahmintaas sameenaya ay dhawaan Muqdisho kusoo wajahan yihiin oo ay Xukuumada Riyaad soo dirsaneyso.

Masjidka Isbaheysiga iyo Masjidka Marwaas Ee Xamar weyne ku yaalla ayaa hore loo sheegay in dhulka ay ku fadhiyaan Shidaal ku hoos jiro oo Sacuudiga hore u dhisay Masaajidaasi si loo arkin shidaalka.