DEG DEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido iyo rasaas ka socota






Muqdisho (Banaadirsom) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeebta Liido.

Si rasmi ah looma xaqiiji karo nooca qaraxaas oo sida la sheegay lagu weeraray Hotel cusub oo ku yaalla Xeebta Liido.

Dad ku sugan Liido ayaa Banaadirsom u xaqiijiyey inay dhaceyso rasaas xoog leh, waxaana kala cararay dad aad u badan oo ku caweynayey barxadda weyn ee xeebta.

Wixii ka soo kordha kala soco Banaadirsom Insha Allaah.












Source link