DEG DEG: Qarax aad u xoogan oo hada kadhacay magaalada Muqdisho

Qarax Jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ayaa  goordhaweyd ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaraxa ku aaddan.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay inta u dhexeysa Kpp iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana dad goobjoogayaaal ah sheegeen in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.

Lama oga cidda sida rasmiga ah loola beegsaday qaraxa, sidoo kale wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxu uu ahaa mid xooggan kaasi oo ay macquul tahay in khsaaro kala duwan uu ka dhashay.

Wixii kusoo kordha halkaan kaal soco.

  6026c60a3b8ae