Home Wararka Maanta DEG DEG: Nin katirsanaa Amniyaat-ka Al Shabaab oo lagu toogtay Muqdisho

DEG DEG: Nin katirsanaa Amniyaat-ka Al Shabaab oo lagu toogtay Muqdisho





Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaran Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay duhurnimadii nin la sheegay inuu katirsanaa Amniyaat-ka Al Shabaab.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu dhaawac ugeystay askari katirsanaa ciidamada Booliska Degmada Kaaraan,balse Askar kale oo meesha ka dhawaa ayaa dilay gacan ku dhiiglaha xilli uu doonayey inuu baxsado.

Falka waxa uu ka dhacay Xaafada Jamhuuriya ayaa ciidamada Amaanku ay soo bandhigeen sawirro ninka la khaarajiyey kaas oo bistoolad uu watay sida la sheegay la dul saaray Meydka.

Ma jirto war kasoo baxay Taliska Booliska oo looga hadlayo Arintaan.

 




Source link