Home Wararka Maanta DEG DEG: Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday

DEG DEG: Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi uu saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Marxuumka oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Source link