DEG DEG: Mahad Salaad oo kashifay sirta ka dambeysa ciidamada uu Farmaajo geystay garoonka Aadan Cadde+Digniin

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa ka hadlaya sababta uu Farmaajo ciidamada ugu daabulay garoonka Aadan Cadde kuwaa oo la hoos taliska Guud ee gobalka Banaadir.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu meel walbo ciidan geystay si uu hareereeyo musharaxiinta, iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Ujeedka ugu weyn ee Farmaajo uu leeyaya ayuu ku tilmaamay inuu xadido dhaqdhaqaaqa musharaxiinta ee galaya ama ka soo baxaya garoonka Aadan Cadde, isaga oo xusay in laga hor tago inta uusan gaarin heer kale oo wax laga qaban karin

Hoos ka akhriso maqaal uu qoray uu ciwaan uga dhigay Farmaajo iyo Fircoon.

Allaha u naxariistee Shabeel oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayay Jabhadii USC ayaa hada ka hor waxa u tagay qolo Hawiye ah oo ka dacwoonaya Siyaad Barre waxay ku dhaheen “taliyow OO ayaan kujirnaa“ oo ay ula jeedeen waan hareeraysanahay!

Marka wuxuu ku yiri “hada OO ayaad kujirtaan lkn ilaa YA ayaa la idin geynayaa hadii aadnan dhaqankiina wax ka badalin”. Taasoo uu ula jeeday hada waxaad maraysaan (O) oo ah xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waxaana la idin eryan doonaa ilaa (Y) oo ah xarafka saddex iyo labaatanaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna xarafka ugu dambeeya alifba’da af soomaaliga, hadii aadnan fadhiga ka kicin, dulmiga Siyaad idinku hayana maanta aadnan ka dhiidhiyin!

Hadda Farmaajo wuxuu gaaray heer uu yiraahdo Turubataariyada oo ah “Hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha” ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hala hoos geeyo Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, taasoo sharci ahaan iyo hoggaan ahaanba khilaafsan sharuucda dalka iyo Habdhismeedka Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laakiin  ujeedada laga leeyahay ay tahay in ciidamo Farmaajo si toos ah uga amar qaata gacanta loo geliyo amniga garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa oo horay ay u joogeen Ciidamada Turubataariyada iyo kuwa Amisom, si loo xaddido dhaqdhaqaaqa Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ee degan xerada Xalane, Mucaaradka iyo Musharaxiinta gelaya ama ka soo baxaya garoonka iyo xayndaabkiisa!

Sida muuqata Farmaajo meel ayuu iska dhigay dowladnimo iyo sharci loo hoggaansamo, wuxuuna la soo baxay kibirkii iyo fasaadkii Fircoon kula dhaqmi jiray reer Banii Israa’iil mid la mid ah isagoo dadka u qaybiyay kuwa uu dilo, kuwa uu dullaysto iyo kuwa uu dalacsiiyo oo isaga ugu yeera in uu yahay boqor Ilaahey koonkaan u soo diray sidii Fircoon. Waxaan idinkula talinayaa kolley Farmaajo idinma deyn doono ee talo isugu laabta inta uusan idinla tagin ilaa YA!