DEG DEG: Madaxtooyada oo Hada War Kasoo Saartay Kulanka Madaxweyne Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe

Madaxweyne Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furi doona wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kulanka uu Caawa dhici doono, isla markaana looga hadli doono arrimaah doorashooyinka dalka.

Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan Caawa la filayo in uu qabsoomo uu uu guddoomin doono Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen kulamo wadatashi ah oo looga hadlayo waxyaabaha ay la tegi doonaan kulanka Madaxweyne farmaajo, waxaana Madaxweynaha Puntland uu Maanta la kulmay Madaxda Xisbiyada mucaaradka ee kajira dalka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday ka qeyb-galka Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo natiijadii kasoo baxday, hayeeshee cadaadis uga yimid Xubnaha Beesha Caalamka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.

 5f4fbe564b329 5f4fbe564b329