Home Wararka Maanta DEG DEG: Jubbaland oo magacowday guddiga doorashada Aqalka Sare

DEG DEG: Jubbaland oo magacowday guddiga doorashada Aqalka Sare





Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Gobolleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee ka dhaceysa Jubbaland.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay jimcihii ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban 9 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Jubbaland kuwaas oo looga fadhiyo inay qabtaan doorashada Aqalka sare.

Jubbaland ayaa sheegtay inay wakhtigii lagu ballamay doorashada Aqalka Sare ka qaban doonaan deegaanada Maamulkaasi gaar ahaan Kismaayo iyo Garbahaareey kuraasta yaalla.

 




Source link