Home Wararka Maanta DEG DEG: Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo geeriyooday

DEG DEG: Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya  Cabdullahi Abyan Nuur, sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Badweytims

Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kiliyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo.

 

Source link